Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre, Laftageen, Waare iyo mas’uuliyiin kale oo soo gaaray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1594891224522.jpg?w=1000&ssl=1

Magaalada Garowe waxaa soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, madaxweynahayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ma’suuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

FB_IMG_1594891249354.jpg?w=1000&ssl=1

Wafdigan waxaa garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddulaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

FB_IMG_1594891238260.jpg?w=1000&ssl=1

Wafdiga ayaa ka qayb geli doona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.

FB_IMG_1594891254031.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Kheyre, Laftageen, Waare iyo mas’uuliyiin kale oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this