Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Saaxiib La Ahaa Madaxweynihii Hore Ee Algeria Oo Xabsi Dheer Lagu Xukumayay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Algeria)-Madaxa shirkad Gawaadhida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xadhig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika.

Mahdieddine Tahkout waxaa lagusoo eedeeyay in isagoo adeegsanaya awoodda dowladda uu shirkaddiisa ku sameeyay maal-gelin lixaad leh , lacagta loo adeegsadayna laga saaray qasnadda dowladda.

Eedeyntaasi ayaa waxay noqotay mid culus, oo qaanuunka dalkaasi uu dhigayo in dembiyada noocaan ah ay yihiin xad-gudub weyn oo qofkii galo uu waajihi karo ciqaab adag.

Madaxweynahii hore ee waddankaasi ayaa xilka ka degay kadib markii uu waajahay dibad-baxyo culus oo ay dhigeen shacabka waddankaas , iyagoo diidanaa inuu dalkaasi kasii arrimiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this