Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweynayaashii Hore Dalka Oo Ka Qeyb Galay Salaadii Janaasada Ee Ra’isalwasaarihii Hore Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore dalka ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Axmed ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax.
109928592_3168216749929448_6160942816230
Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso siiyo.
109563636_3168216699929453_6188831807771
 Marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, waxaana goor dhaw Garoowe gaaray Raysal wasaare Xasan Cali Kahyrem,mas’uuliyeen ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada iyo  xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.
 109670652_3168216716596118_3329393494715
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this