Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa saaka ku wajahan magaalada garoowe,sida ay soo sheegayso Wariyaheena Nasra Bashiir Cali

Ujeedka socdaalka R/wasaaraha XFS uu ku tagayo garoowe ayaa ah sidii ay uga qeybhali lahaayeen aaska r/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo meydkiisa muqdisho salaadda Janaasada ah ay ugu dukadeen madaxda Qaranka.

Qaban qaabo ku aadan safarka r/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this