Deeq A. Posted July 16, 2020 Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay tuulada Retreat oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee wadankaasi. Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa la sheegay inay marxuumka dileen isaga oo ku sugan afaafka hore goob ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Xuseen Cadow, sida ay warbaahinta xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxdii dilkaasi ka dambeysay ay goobta isaga baxsatay, waxaana mar dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska K/Afrika. Illaa iyo hadda ma jirto cid ay laamaha ammaanka u soo qabteen dilka loo geystay muwaadinkaasi Soomaaliyeed. Malamihii u dambeeyey waxaa sii kordhayey weerarada iyo dilalka Soomaalida loogu geysto gudaha Koonfur Afrika, iyadoona sidoo kale boob loo geysto goobahooda ganacsi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites