Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Meydka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo laga soo dajiyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde laga soo dajiyey meydka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Guddiga qaban-qaabada ee loo saaray aaska qaran ee loo sameynayo marxuumka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sugan garoonka magaalada Muqdisho.

Saaladda Janaasada ayaa sidoo kale marxuumka lagula tukaday garoonka, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale marxuumka ayaa loo qaadi dooonaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi Nugaal, halkaas oo lagu aasayo.

Aaska qaran ee loo sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galaya guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxda dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu goor dhow Dhuusamareeb ka amba-baxo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna ka qeyb-geli doono aaska marxuum Abshir Xasan Faarax.

FB_IMG_1594878392310.jpg FB_IMG_1594878395709.jpg FB_IMG_1594878399922.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this