Deeq A. Posted July 16, 2020 Wararka ka imaanaya waddanka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in halkaasi lag dilay Ganacsade Soomaaliyeed oo xarun Ganacsi ku lahaa gudaha dalkaasi. Alle ha u naxariistee Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Caddow waxaa lagu dhex dilay Goob Ganacsi oo uu ku lahaa gudaha Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika gaar ahaanna xaafad lagu magacaabo Retreat sida laga soo xigtay Eehelkiisa. Koox burcad koonfur Afrikaan ah ayaa Marxuumka ku weeraray Xaruntiisa Ganacsi halkaas oo ay ku dileen islamarkaana dhac u gaysteen hantidiisa sida ay sheegeen Booliiska. Kooxdii weerarka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay dhaceen Hantidii Marxuumka iyadoo Booliiska Dalkaasi ay sheegayaan in aysan weli gacanta ku dhigin Burcadkaas. Dalka koonfur Afrika waxaa Caadi ka noqotay in mar kasta lagu laayo Ganacsatada Soomaaliyeed hantidoodana lagu dhaco taasi oo aysan wax tallaabo ah ka qaadin Booliiska Waddanka. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites