Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo hal arrin ka digay

Recommended Posts

Deeq A.   

aliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah Propagaanda-da Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020, kaas dalka ka bilaabandoona 18-July-2020.

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 ufadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay diyaariyeen  2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.

” Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray #Badqabka imtixaanaadka sanadkaan, ayaa waxaa jiri kara #Propaganda iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan #Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Fadlan, wixii aad u’aragtaan falalkaas gaarsiiya Ciidanka Boliiska oo howshaas gacanta ku haya, idinka oo Maraya Number-ka 991 ama Baraha Bulshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this