Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Gobtiisa Ganacsiga Degaanka Retreat+ Xoggo ka soo kordhay Dilkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsade Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Gobtiisa Ganacsiga Degaanka Retreat+ Xoggo ka soo kordhay Dilkiisa

Wiil Soomaali ah ayaa caawa lagu dilay degaanka Retreat oo ku yaalla duleedka magaalada Johansberg ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegayaan warar goor dhow halkaas naga soo gaadhay.

Marxuum Axmed Xuseen Caddow ayaa ku dhintay rasaas ay ku fureen koox budhcad ah xilli uu ku dhex jiray gaadhi uu watay oo ku sugnaa meel ku dhow goobtiisa ganacsiga.

Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad joog joogayaal ah oo ku sugnaa halka dilku ka dhacay.

Soomaalida ku nool magaalada Johanesberg ayaa ka xumaaday dilkan arxan darada ah ee loo geystay Marxuum Axmed Xuseen Caddow oo qeyb ka noqonaya dilal joogto ah oo dalka Koonfur Afrika loogu geysto Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee dalkaas ka xoogsada.

108185816_2794918287403291_1092148572982

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this