Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxda maamullada dalka oo gaaray magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta gaaray madaxweynayaasha maamullada dalka HirShabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Garoowe ayaa ma’sulliyiintaasi ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa guddoonka baarlamaanka Puntland iyo golayaasha kale ee maamulkaasi.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb-galaya aas halkaasi loogu sameynayo madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale goor sii horeysay Garoowe gaaray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo isna ka qeyb-galaya munaasabadda aaskaasi.

Ammaanka Garoowe ayaa la xoojiyey, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo AUN labada marxuum.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

109757074_957001711380016_32208435085537 109850225_957014541378733_11360435883873 109330401_957014428045411_77984153035692 109585290_957001758046678_51031938401887 109485526_957001598046694_41429558750772 109478525_957001951379992_91879154205402 109446771_957001661380021_54616479823273

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this