Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanada Taabta iyo Kulbiyow ee gobolka jubbada Hoose, wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa Kenya oo dhinac ah iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay ku leeyihiin degaannada Taabta iyo Kulbiyow ee gobolka jubbada Hoose, waxaana dadka deegaanadaas ay sheegeen in halkaasi ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo khasaaro kala duwan geystay.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladaas, hayeeshee waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay wadaan howlgallo.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay ka hortageen weerarada uga yimid dhinaca Al-Shabaab,islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Dagaalka degeaananda Taabta iyo Kulbiyow ee gobolka jubbada Hoose ku dhex-maray ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya oo dhinaca ah iyo dhaq-dhaqaaqaAl-Shabaab ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli xalay dagaal ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo dhinac iyo Al-Shabaab uu ku dhex-maray degaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this