Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Caruur ah oo saddex walaalo yihiin oo ku dhintay dab ka kacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
gubtay.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab saaka ka kacay gurya ay deggan yihiin Qoysas danyar ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dabka waxaa ku geeriyooday afar Caruur ah oo saddex kamid ah walaalo yihiin waxaana ku gubtay qaar kamid ah Guryihii ay ku noolaayeen Qoysaska inkastoo aan weli si rasmiya loo sheegin tirada Guryaha ku gubtay Dabkaas.

Dab-demiska Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso iyo kan Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa markii dambe ku guulaystay in ay demiyaan Dabka waxaana hadda socota Qiimayn lagu samaynayo Khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa Dabka dhaliyay inkastoo wakhtigaan lagu jiro Xilli Xagaa ah oo dabayl badani dhacayso

PUNTLAND POST

The post Afar Caruur ah oo saddex walaalo yihiin oo ku dhintay dab ka kacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this