Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo kalagiis ka degay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey halkaasi.

Cabdi Xaashi oo kali u socod ahaa muddooyinkii la soo dhaafay, kadib khilaafka soo dhex-galay labada Gole ayaa waxaa socdaalkan uu kali uga baxay magaalada Muqdisho, marka laga tago Senataro kooban oo la socda, kuwaas oo ka mid ah xubnaha la safan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Garoowe uga qeyb-galaya aaska madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku kala geeriyooday Kenya iyo Turkiga.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi gaaraan madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo ka amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Ammaanka Garoowe ayaa la xoojiyey, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo AUN labada marxuum.

Xaashi-2.jpg 109676330_956986374714883_72330192045519 109704071_956986308048223_21509497915095 110105447_956986201381567_28233093268424 110174103_956986244714896_62017286608917

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this