Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre iyo madaxda DG oo ka qeyb galaya aaska Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaalia Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynayaasha dowlada goboleedyada ayaa goor-dhow ku soo wajan magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Madaxda ayaa ka qeybgalaysa aas Qaran oo maanta Garowe loogu sameynayo R’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faraax iyo Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Magaalada Garowe waxaa ka socota qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo labada Marxuum oo meydadkooda laga keenay dalka dibadiisa.

Labada Marxuum ayaa lagu aasi doonaa beer ku taalla dhanka berri ee magaalada Garowe.

PUNTLAND POST

The post Kheyre iyo madaxda DG oo ka qeyb galaya aaska Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this