Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
12-2.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Saaka Garoowe ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Hoos ka eeg Sawirada

12-2.jpg?w=1000&ssl=1 13-1.jpg?w=1000&ssl=1 14-1.jpg?w=1000&ssl=1 15.jpg?w=1000&ssl=1 16.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this