Deeq A. Posted July 15, 2020 (SLT-Washington)-Xukumadda madaxweyne Donald Trump ayaa ka noqotay qorshaheedi ahaa iney ardayda ajaanibta ee casharrada jaamacadaha ku qaata qaab online ah in dalalki ay ka yimaaddeen dib loga celiyo cudurka safmarka ee coronavirus awgii. Ka noqoshada qorshahaasi ayaa ku soo beegmaya hal usbuuc kaddib marki la shaaciyey qorshahaasi. Jaamacadda Harvard iyo Machadka Teknooloojiyadda ee Massachusetts (MIT) ayaa dacwad ka gudbiyey qorshahaasi. Garsooraha Massachusetts, Allison Burroughs wuxuu sheegay dhinacyada arrintan ay quseyso iney xal la yimaaddaan. Heshiiskaasi ayaa dib u soo celinaya qorshe la dhaqan-geliyay bishii Maarso, cudurka safmarka ee dillaacay awgii, kaasoo u oggolaanaya ardayda ajaanibta ah ay casharradooda qaataan haddii loo baahdo iney si sharci ah ay dalku ku joogi karaan fiisooyinka ardayda ay dalka ku joogaanna la siiyo sida uu qoray wargeyska New York Times. Arday tira badan oo ajaanib ah ayaa dalka Mareykanka u doonto waxbarasho sanad walba iyada oo jaamacadaha ay dakhli badan ka helaan ardayda ajaanibta ee waxbarashada u soo doonta. Jaamacadda Harvarda waxay dhawaan shaacisay cudurka safmarka ee Faayraska Corona awgii casharrada jaamacadda in lagu bixinaya qaab online ah, marka ay ardayda u soo laabtaan sanad dugsiyadeedka cusub. Machadka MIT si la mid ah jamacado badan oo ku yaalla dalka Mareykanka waxay go’aansatay casharrada iney qaabki hore ee fool ka foolka ahaa ay ku bixiso. Source Share this post Link to post Share on other sites