Deeq A. Posted July 15, 2020 (SLT-Qaahira)-Suxufigii caanka ahaa ee reer Masar Mohamed Monir ayaa u dhintay xanuunka Covid-19, sida gabadhiisa ay u xaqiijisay weriyayaasha . Monir ayaa ahaa maxbuus u xidhan dowladda, waxaana jeelka la dhigay, kadib markii uu kasoo muuqday telefashinka laga leeyahay dalka Qatar ee Aljazeera, oo Masar laga mamnuucay in laga daawado. Waxaa lagusoo eedeeyay intii u xidhnaa ku biiritaanka koox argagaxisa ah, faafinta warar been abuur ah iyo inuu warbaahinta bulshada “Social media” uu ku qoray warar aan habooneyn. Sida lagasoo xigtay Guddiga difaaca weriyayaasha ee saldhiggiisu yahay Mareykanka CPJ in Mohamed Monir uu ku dhintay bar lagu karaantiilay Isniintii, kadib markii ay kasoo if baxeen calaamadaha COVID-19. Dalka Masar ayaa waxa uu kamid yahay waddamada sida adag loogu cabburiyo saxafiyiinta sida lagasoo xigtay Ururka suxufiyiinta dunida ee aan xudduudda laheyn. Waxana uu dalkaasi kamid yahay meelaha ugu daran ee weriyayaalka lagu xidho. Marka loo yimaado xogta COVID-19 ee Masar, waxa uu xanuunku soo ritay 83,000 waxaana u dhintay 4,000 oo ruux, sida ay dowladdu sheegtay. Source Share this post Link to post Share on other sites