Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb,  ayaa xalay kulamo la qaatay  madaxda dowlad goboleedyada Jubaland Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kulankaas ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah, waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo Maadxweyneyaasha ka wada hadleen Arrimo ku aadan marlaxadihii ugu dambeeyay ee deegaanadooda iyo Siyaasadda dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galaya Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa weli ku sugan Dhuusamareeb halkaaas oo uu ka wado kulamo kala duwan.

Shirka waxaa sidoo kale ka qayb-galaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmha soo socda lagu wado in uu halkaas gaaro.

PUNTLAND POST

The post Khayre oo kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this