Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan Ay Hoggaanka Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID La Yeesheen Danjiraha Midowga Yurub Nicholas Berlanga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)Hoggaanka Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa galabta kullan kula yeeshay Magaalada Hargeysa Daanjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga,kaas oo ay kaga wada Hadleen arrimaha doorashooyinka isku sidkan iyo diiwàangelinta codbixiyayaasha Dalka.

Kullankan ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,kaas oo ahaa mid ka qabsoomay howga uu Magaalada Hargeysa ka degan yahay Guddoomiye Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bogiisa Faysbuuga kaga haddlay kullankaas,kaas oo u dhignaa sidan:
“Guddoomiye Faysal iyo Annigu, waxa aan Gurigeyga ku qaabilnay maanta Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga, oo aan kala hadalnay arrimaha doorashooyinka isku sidkan, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diiwaangelinta, Waxa kale oo aan kala hadlanay sidii Beesha Caalamka u kordhin lahayd Kaalmada horumarineed ee la siiyo Somaliland.”ayuu ku yidhi qoraalkiisa

IMG-20200714-WA0004-1-1024x768.jpg IMG-20200714-WA0003-1-768x1024.jpg IMG-20200714-WA0001-1-768x1024.jpg IMG-20200714-WA0002-1-1024x768.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this