Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwadda Wariye Gurbiye oo dib loogu celiyey xeer ilaalinta qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa markii labaad maanta Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyey Wariye Cabdicasiis Gurbiye, iyada oo markale dib u dhigtay dhageysiga dacwaddiisa.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay guda geli karto kiiskan, waxaana ay dalbatay in la waafajiyo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Sidoo kale garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa su’aal ka keenay kiiska Wariye Gurbiye, isaga oo fadhigii maanta ka shaaciyey inaysan weli cadeyn cida soo eedeysay Wariyahan oo horey loogu xiray xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale garsooraha oo ku celiyey xeer ilaalinta dacwaddaasi ayaa ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan soo cadeeyaan cidda uu u dacweysan yahay Gurbiye.

Go’aanka ay qaadatay maxkamadda ee ay dib ugu celisay xeer ilaalinta kiiskaasi ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaar ka mid ah ururada saxaafadda ee ka jira Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this