Deeq A. Posted July 14, 2020 (SLT-Addis Ababa)-Sawirro satellite lagu qaaday ayaa muujinayaa in Itoobiya ay bilowday inay buuxiso biyo xidheenka ay ka dhiseyso webga Nile. Sawirkan oo la qaaday intii u dhexeeysay 27-kii bishii Juun iyo 12-ka bishan ayaa muujinayaa in biyo xidheenka uu buux dhaafay, Dowladda Itoobiya wey ka gaabsatay inay ka hadasho arrintani. Balse waxay ku adkeysatay in biyo xidheenka ay buuxineyso bishan oo la galayo xilli roobaadka. Waxay arrintani imaaneysaa xilli shaley uu guuldarro ku dhammaaday wadahadallo u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan kaas oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka dhashay biyo xidheenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile. Guddiga farsamada ee wadahadallada ayaa warbixin u gudbinayaa Midowga Afrika oo garwadeen ka ah dhexdhexaadinta dalalkan. Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xidheenka uu ka qeyb ka yahay dhaqaalaheeda halka Masar ay cabsi ka qabto in saameyn uu ku yeesho heerka biyaha webiga Nile oo ku tiirsan yihiin shacabkeeda. Source Share this post Link to post Share on other sites