Deeq A. Posted July 14, 2020 Allaha u naxariistee Wariye Sheekh Cabdullahi Cali (Afrax Yare) ayaa xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu danbeeyayay ku xanuunsanaa caasimadda, sidoo kale wuxuu ka tirsanaan jiray wariyeyaashii raadiyo Muqdisho 80-kii illaa 90-kii. Waxaa uu ka mid ahaa soo saarayaashii barnaamijka Bandhiga iyo falooyinkii raadiyaha ka bixi jiray, waxaa uu ka soo shaqeeyey tababarna uu ku soo qaatay BBC laanta Soomaaliga. Allah u naxariistee marxuumka waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1953-dii, waxaa uu waxbarashada hoose iyo sare ku qaatay dugsiyada Shibis, Bartamaha, 15-ka May ayuu dugsiga sare ku dhammeystay, isagoo haddana ka mid noqday ardaydii Kulliyada Kiimikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed (Gahayr). Allaha u naxariistee xalay ayuu ku geeriyooday magaalada Muqdish, waxaana ka tacsiyadeeyey guud ahaan bahda warbaahinta ee uu ka baxay. Innaa lilaah wa innaa ileyhi raajicuun. View the full article Share this post Link to post Share on other sites