Deeq A. Posted July 14, 2020 Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland, Cabdullahi Maxamed Xasan oo marti ku ahaa barnaamijka diiradda ee Shabelle TV ayaa mar wax laga weydiiyey arrimaha shahaadada wuxuu kaga jawaabay hadalkii wasiirka waxbarashada Somalia, Cabdullahi Goodax Barre ee ahaa in ardayda Puntland aan la siin doonin shahaadada dugsiga sare ee ay bixiso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa yidhi ” Shahaadadu hadday tahay mid uu leeyahay wasiir Goodax Barre, isagay ayey xor u tahay inuu diido, balse haddii ay tahay shahaado Soomaaliyeed awood uma lahan inuu ka hor istaagi karo ardayda Puntland.” Sidoo kale Puntland wasiirkeeda waxbarasho wuxuu ku tilmaamay hadallada soo noq-noqday ee wasiir Goodax inay dhaawac ku yihiin qalbiyada ardayda Soomaaliyeed ee Puntland iyo wax wada lahaanshaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa sanadkii labaad oo uu khilaaf dhinaca shahaadada ah ka dhex taagan yahay Puntland iyo dowladda federaalka oo sidoo kale haatan isku haya dhanka siyaasadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites