Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex ruux oo ku dhimatay dhisme qadiimi ah oo soo dumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex ruux ayaa lagu soo warramaayaa inay geeriyoodeen, kadib markii uu ku soo dumay dhisme ay daganaayeen oo ku yaalla xeradii hore ee Maslax ee duleedka Muqdisho.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay inay da’doodu u dhexeyso 30 illaa 50 sano jir oo ka kooban laba qoys oo is dhinac deganaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ay ku darayaan in dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwa barakacayaal ah oo ku noolaa halkaasi

Dad kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, kuwaasi oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo fud-fudud, sida uu inoo sheegay mid k amid ah dadka deegaanka

Dhismaha ku soo dumay dadkaasi barakacayaasha ah ayaa la sheegay in uu yahay dhismo qadiimi ah oo aan in mudda ah lagu sameyn wax dayactir ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this