Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor-Qoor oo faah faahiyey wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo xalay ka hadlayey xaflad lagu soo xirayey wejiga koobaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyey wejiga labaad ee shirkaasi oo lagu wado inuu maalmaha soo socdo ka bilowdo isla gudaha magaaladaasi.

Qoor-Qoor ayaa marka hore khudbaddiisa ku sheegay in shirkii madax goboleedyada uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, kaas oo qabsoomay 11-ka iyo 12-kii bishan July.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in wejiga labaad ee shirka ay ka soo qeyb-geli doonaan madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyaga oo ka wada-hadli doono xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

“Towfiiq iyo talo ayuu kusoo dhamaaday wajiga koowaad ee shirka, sida la tilmaamay xalka iyo sida wax waliba loo wajihi karo, waxa aan u gudbeynaa qaybta labaad oo aan rajeyneyno in ay kusoo biiraan Madaxda DFS, waxa aan isla garanay in uu maro wadada shirka dhamaaday oo kale” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Dhinaca kale Qoor-Qoor ayaa boggaadin u jeediyey shacabka Galmudug isaga oo uga mahadceliyey, sida ay uga shaqeynayeen nabadda deegaanka iyo tan guud intaba.

“Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay.” ayuu markale yiri Qoor-Qoor.

Munaasabadda xiritaanka shirka Dhuusamareeb waxaa goob-joog ahaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabelle.

Qoor-Qoor-696x411-1.jpg 107797726_3113433688693638_6529371779341 108064206_3113434018693605_7493513238791 108105107_3113433808693626_8688464883416 108156900_3113433618693645_8403925547512 109496667_3113433085360365_1112941983118

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this