Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Cusbitaal ku dhex guursatay ninkii ay jeclayd oo dhaawacan

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney Cusbitaal ku dhex guursatay ninkii ay jeclayd oo dhaawacan

Aroos
Arooska ka dhacay cisbitaalka

Lamaane da’ yar oo ku nool magaalada Kirundo ee waqooyiga Burundi ayaa dad badan ka yaabiyay kadib markii ay aroos dhigteen inkastoo caruuska uu maalmo ka hor galay shil khatar ah oo cisbitaal lala jiifiyay.

Charlotte Mukantwari iyo Gabin Ndayizigiye ayaa isku guursaday cisbitaalka ninkaasi lagu dabiibayo kadib markii ay mooto la dhacday 30-kii June.

Haweeneyda ayaa cisbitaalka kula jirtay ninkaasi haasaawaha kala dhaxeeyay, waxaana qorshuhu ahaa inay aqal galaan 4-tii bishan July, iyagoona go’aansaday inay xafladda arooska u dhigtaan sidii ay ku ballameen.

Mukantwari ayaa cisbitaalka la timid dharka arooska iyo baadarigii meherin lahaa, waxaana xafladda ka qeybgalay dad kooban.

“Muddo badan ayaa sugayay maalintan. Dhibka ku dhacay Ndayizigiye ayaa ahaa fal sheydaan. Ma qiyaasi karo sida ay noolasheyda noqon lahayd haddii aanu arooska dhici lahayn,” ayay Mukantwari u sheegtay BBC laanta Gahuza.

Dadka deegaanka oo layaaban go’aanka lamaanaha ayaa ku soo xoomay dhismaha cisbitaalka si ay u daawadaan xafladda arooska.

Mr Ndayizigiye ayaa sheegay inuu aad ula dhacay go’aanka ay xaaskiisa ka qaadatay arooskooda, iyada oo aan hubin in mar dambe uu lugihiisa ku socon doono.

Caruuska ayaa si kooban uga qeyb qaatay xafladda arooska, kadibna waxaa lagu celiyay sariirtiisa cisbitaalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this