Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo ka tacsiyaysay Geerida Xassan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya Xassan Abshir Faarax, oo shalay ku geeriyooday Waddanka Turkiga.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa loogu tacsiyeeyay Dowladda iyo Shacabka Soomaaaliyeed ee uu ka geeriyooday Ex. Ra’iisul Wasaare Xassan Abshir Faarax.

UNSOM, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, marna soo noqday Madaxweynihii Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, oo isna shalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya.

Qaramada Midoobay, waxay tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka Puntland iyo Dhammaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo ka tacsiyaysay Geerida Xassan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this