Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Militariga Soomaaliya oo ka badbaaday Qarax ismiidaamin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa yuusuf Raage ayaa Maanta Isniin ah ka badbaaday Qarax oo lala eegtay Kolonyo uu la socday oo marayay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qofka ismiidaamiyay ayaa Gaari miinaysan ku qarxiyay Kolonyada uu la socday Gen Odowaa inkastoo Taliyuhu ka badbaaday Qaraxaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu khasaare gaarsiiyay ilaalada Taliyaha islamarkaana uu burburiyay mid kamid ah Gaadiidkii Kolonyada ahaa ee gelbinayay Gen Odowaa balse Khasaare kala lama soo werin.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ismiidaaminta ah waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Gen. Odowaa yuusuf Raage.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Militariga Soomaaliya oo ka badbaaday Qarax ismiidaamin ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this