Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen goobjoogayaal.

Wararka qaara ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu weeraray Xerada Generaal Gordan oo ku taalla halkaasi.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa haatan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this