Deeq A. Posted July 13, 2020 Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax xooggan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kaasoo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan. Warar kala duwan ayaa wuxuu kasoo baxayaa qaraxa iyo cidda laga beegsaday, wararka qaar ayaa sheegaya in lagu weeraray Xarunta General Gorod oo lagu tababaro ciidamada Dowladda. Sidoo kale waxaa jiro warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaraxa laga eegtay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Ilaa iyo hadda ma cada khasaaraha rasmiga ah ee goobta ka dhacay, wixii faah-faahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa. Share this post Link to post Share on other sites