Deeq A. Posted July 13, 2020 Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ayaa faah-faahisay wararkii ugu dambeeyay cudurka COVID 19 ee Soomaaliya. Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta guud ahaan cudurka laga helay 8 ruux oo ku sugan Muqdisho, islamarkaana aysan jirin kiisas kale oo laga helay maamul goboleedyada. Kiisaskii ugu dambeeyay oo ay soo bandhigtay wasaarada caafimaadka ayaa ka tarjumaya yaraanshiyaha dadka uu soo ridanayo cudurka ee ku sugan gudaha dalka. Guud ahaan dadka waxaa laga helay cudurka tan iyo markii uu soo gaaray 3,059 iyadoo ay ka boogsoodeen 1,306, halka 90 ruux ay u geeriyoodeen cudurkan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites