Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan qodob oo ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15945948101619959.jpg?w=1000&ssl=

Shirkii wadatashiga ee madaxda dowlad goboleedyada dalka uga socday magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

Shirka oo looga hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya ayaa dood iyo wada-xaajood dheer kadib waxaa ka soo baxay Shan qodob oo kala ah.

1– In la xoojiyo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha
2. In doorashada dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.
3. In tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.
4. In Madaxweynaha dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021, shirkaadina uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.
5. Ugu dambeyna, shirku wuxuu ka mahad celinayay taageerada Beesha Caalamka ee dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka daawo war-murtiyeedk shirka oo akhrinayo Yuusuf Garaad.

PUNTLAND POST

The post Shan qodob oo ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this