Sign in to follow this  
Deeq A.

5 qof oo ku eedeysnaa kufsi ka dhacay Galmudug oo lagu riday xukuno kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gelinsoor (Caasimadda Online) – Shan ruux oo loo heystay iney ka dambeeyeen kufsi ka dhacay degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta lagu riday xukunno kala duwan.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybteda magaalada Cadaado ayaa shan ruux oo ay haweeney ku jirto lagu maxkamadeeyay, mid ka mid ah afarta ragga ah ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falka kufsiga loogu gesytay Hodan Maxamed Diini halka haweeneyda lagu eedeeyay iney shirqooshay gabadha la kufsaday.

Cali Daahir Cali ayaa qirtay inuu ku lug lahaa falkaas isla markaana ay muddo wada socdeen gabadha la kufasaday, halka Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur ay ka dhaarteen iney falkaas geysteen.

Sheekh Maxamudu Guuleed Keynaan oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybta Cadaado ayaa afarta eedeysane ee iska fogeeyay falka ku xukumay min 6-bilood oo xarig ah halka eedeysanaha qirtay lagu xukumay Jeedal, masaafurin iyo 44-dago oo meher ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this