Deeq A. Posted July 12, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay qarax miino ku weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo ay wehliyaan saraakiil Mareykan ah. Qaraxa kadib ayaa lagu soo warramayaa in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo uu khasaare kala duwan uu ka soo gaaray labada dhinac. Ciidamada la weeraray ayaa ka amba-baxay deegaanka Janaale, waxaana ay ku sii jeedeen tuulooyin hoos-yimaada deegaankaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. View the full article Share this post Link to post Share on other sites