Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay dil uu geystay Askari ka tirsan ilaaladiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo Askari ka tirsan ilaaladiisa oo Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo Xafiiska xeer ilaalinta oo uu ka tirsanaa marxuum , Maxamed Cabdulqaadir  Cilmi oo ku baxay Gacanta Askari ilaala u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

“Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku.

Mudane, Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadaan Hubka Gacantooda ku jira inay ku dhibaateeyaan Dad rayad ah oo aan waxba galabsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this