Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay Garasbaaley

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay ku dileen deegaankaasi askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Dilka ayaa waxaa xigay is-rasaaseyn kooban oo dhex-martay askari kale oo la socday marxuumka la dilay iyo kooxihii hubeysnaa.

Guddoomiyaha waaxda afaraad ee deegaanka Garasbaaley, Maxamuud Xaashi Cali oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in iska hor imaadka dambe lagu khaarijiyey mid ka mid ahaa ragii toogashada u geystay askariga, halka kuwa kalena ay baxsadeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhaawac soo gaaray askariga la dagaalamay kooxda hubeysan ee dilka ka geysatay duleedka Muqdisho.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa weeraro gaadma ah kala kulama dagaalyahanada Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this