Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Heshiis laga gaaray habka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   
  • sxs.jpg?resize=1000%2C592&ssl=1Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee Somaliland oo saxiixaya heshiis ay gaareen

Xisbiyada Somaliland ayaa maanta oo Axad ah heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiillada.

Saddexda Xisbi ee Somaliland, Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa ku heshiiyey in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dhacaya sanadkan 2020, lagu galo nidaamkii 2005.

Sidoo kale xisbiyada Somaliland ayaa ku heshiiyay in guddigii doorashadii hore ay la-taliyeyaal farsamo u noqdaan Guddiga cusub.

Heshiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland iyo Guddiga doorashooyinkaas ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku muran sanaa xisbiyada Somaliland.

Hoos ka akhriso heshiiska saddexda xisbi

h1.jpg?resize=1000%2C1368&ssl=1 h2.jpg?resize=1000%2C1369&ssl=1 h3.jpg?resize=1000%2C1369&ssl=1 h4.jpg?resize=1000%2C1369&ssl=1 h5.png?resize=1000%2C1369&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Somaliland: Heshiis laga gaaray habka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this