Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow askari ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa ay ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen mid ka mid ah ragga dilka geystay, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa qof shacab ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Garasbaaley oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa dilal ka dhan ah askarta dowladda ka geysata gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this