Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Danbeeyay Shirka Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dhuusamareedb)Waxaa Maalintii labaad galay shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Madaxda Goboleedyada Dalkaasi Soomaliya ku waas oo uu marti geliyay maamul Goboleedka Galmudug.

5144DC3F-E050-43B1-9084-AA703836C041.jpe

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay dhammaan Madaxda shanta maamul Goboleed ee Soomaliya , iyaga oo soo jeeiyay in xal laga gaadho khilaafka Xukuumadda & Maamul Goboleedyada,sidoo kale ay doorashada wakhtigeedi ku dhacdo.

Maanta ayaa la filayaa in shirka la sii amba qaado,isla markaana Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay ka doodi doonaan nooca doorasho ee la qaban karo maadaama sida muuqata aaney Suuragal aheyn in Doorasho Qof iyo Cod ah ay Xiligan dhacdo.

Shirka Madaxda Dowlad goboleedyada ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay horay u sheegeen in uu gogol xaadh uu u yahay qabsoomida kulan u dhaxmara Xukuumadda Farmaajo iyo Goboleedyada.

Sidoo kale Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filaya ain shirka la soo geba-gabeeyo,isla markaana Madaxda Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this