Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo ka tacsiyeeyey geerida madaxweynihii hore ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid madaxweynihii labaad ee maamulkaasi, Maxamed Cabdi Xaashi oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo dhammaan reer Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this