Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari dil ka geystay magaalada Muqdisho oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya, islamarkaana ilaalo u ahaa wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shalay magaaladaMuqdisho ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Tre-piano ee Waddada Maka Almukarrama.

Dilka Maxamed ayaa yimid ka dib markii ay ka shakiyeen gaariga uu watay Ciidamo la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen Wasiirka Caddaaladda dowladda Soomaaliya.

Xeerilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka tacsiyay dilka Maxamed waxaana uu sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii Dilka geystay.

“Waxaan la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shaqaalaha xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka tacsi tiiraanyo leh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho. Marxuumku wuxuu kamid ahaa hawladeenada Xafiiska, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo kart iyo howl karnimo ku sifoobay. Waxaan alle uga baryayaa in uu u danbi dhaafo, jannadiisana uu geeyo. Aamiin, aamiin.

Gacan-ku-dhiiglahi dilay marxuuka waa la xiray, waxaana socota baaritaan dilkii marxuumka” Ayuu yiri Suleiman Maxamed Maxamud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this