Deeq A. Posted July 12, 2020 Laamaha Amniga Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xalay xabsiga dhigay ni dhalinyaro ah oo lagu dhex arkay bartamaha Magaaladaas isagoo xiran dharka Dumarka. Ninkaas oo sida la sheegay aan wax hub ah wadan ayaa ciidamadu ka shakiyeen kadibna joojiyeen islamarkaana ay qabteen kadib markii la xaqiijiyay in uu dhar Dumar xirnaa. Saraakiisha Amniga Degmada Balcad waxay sheegeen in su’aalo la weydiinayo ninkaasoo haatan ku xiran Xabsiga Balcad si baariraan loogu sameeyo wax uu damacsanaa. Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa horay loogu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay falal Amni-darro sameeyaan. PUNTLAND POST The post Nin soo xirtay Dharka Dumarka oo Balcad lagu qabtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites