Deeq A. Posted July 12, 2020 Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi. Marxuumka oo maalmahan dambe xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaalla Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka ka aas-aasmay. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites