Sign in to follow this  
Deeq A.

 80 jir  Somaliya oo ka mid noqday Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka fasalka 8-aad+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 80 jir  Somaliya oo ka mid noqday Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka fasalka 8-aad+Sawirro

Kumanaan Ardayda Fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Soomaaliya oo Maanta si wadajir ah ugu fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ah 80-jir ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah ardayda sanadkan u fariisatay imitixaanka fasalka 8aad, iyadoo Sheekada Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ay qabsatay baraha bulshada. iyadoo dadka intiisa badan ay u muujinayaan taageero.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heerkan uu soo gaaro, wuxuuna Bulshada ugu baaqay in Waxbarashada lagu dedaalo oo aan da’da lagu xirin.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada Galmudug, Mursal Cabdi Aadan oo imtixaanka ka daah-furay Magaalada Gaalkacyo ayaa guud ahaan Ardayda iyo Oday Cabdiraxmaan u rajeeyay guul, isagoo ku bogaadiyay dedaalkooda baaxadda leh.

107772896_10213710381552711_117821492935 107922450_3229176637142802_2920415967712 107841167_10213711115171051_776419602984

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this