Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DF oo Balcad ku qabtay nin soo xirtay dharka dumarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ku qabtay nin looga shakiyey in uu ka tirsanyahay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kadib howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen gudaha magaalada ayaa waxay ku soo qabteen ninkaas oo watay dharka dumarka, waxayna shaaciyeen saraakiisha ammaanka degmadaas ina baaritaano ay ku socdaan.

Illaa hadda ma cadda sababta ninkaas ku kaliftay in uu xirto dharka dumarka, balse saraakiisha ciidamada ammanka ee ku sugan Balcad ayaa sheegay in si weyn ay ugu tuhmayaan in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab, hasa yeeshee ay dib kasoo shaacin doonaan markii ay soo gaba-gaboobaan baaritaanada ay ku wadaan.

Sawirro laga soo qaaday ayaa lagu baahiyey baraha ay bulshadu ku xariirto ayuu kasoo muuqday ninkaas oo lugaha iyo gacmaha ka katiinadeysan.

Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah magaalooyinka ay inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadaan weerarrada tooska ah, waxaana jirta in laamaha ammaanku ay ku jiraan feejignaan mar walba ah, maadaama ay Al-Shabaab dhowr weerar ku qaaden bilihii lasoo dhaafay.

107624986_1595351127281027_4183721567767 107836961_1595350947281045_3271103632291

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this