Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: BF Oo Akhrinta 1-aad Marsiiyey Labo Hindise Sharciyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim “Muudey” oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha Shacabka ayaa waxa ay ugu horeyn Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana Golaha u faah faahiyay Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’ oo sheegay in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanbada Golaha Shacabka ayaa su’aalo la xiriira Hindise sharciyeedkan weydiiyay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulanka, waxaana mas’uuliyiintan ay Xildhibaannadda uga jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka, waxaana golaha u faafaahiyay Wasiirka Difaaca Mudane Xasan Cali Maxamed Amardambe oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeyahay dalka.

Sidoo kale Xidhibaannada qaarkooda oo Hindise sharciyeedkan su’aalo ka qabay ayaa Wasiirka weydiiyay, iyadoo uu Wasiirka Difaaca ee dalka uu uga jawaabay su’aalihii la weydiiyay..

Labadan Hindise sharciyeedka ah ee ay mudanayaasha Golaha Shacabka ay Akhrinta koowaad marsiiyeen ayaa waxaa si toos ah loogu wareejiyay Guddiyada Arrimaha gudaha iyo Amniga iyo sidoo kale Difaaca si ay waajibkooda uga soo gutaan ka dibna ay dib golaha ugu soo celiyaan si Akhrinta labaad loo marsiiyo, loogana doodo, waxaana kulanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

107898093_877591702729895_79902276431036 107680339_877590409396691_38389154295326 108072139_877589476063451_50514744390503

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this