Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo maanta la wareegay deegaanka Mubaarak

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Danab ee Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay howl-gal qorsheysan oo ay qaadeen ay kula wareegeen deegaankaasi oo muddo gacanta ugu jiray dagaalyahanada Al-Shabaab.

Taliyadaha guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in haatan ay howl-gallo ka wadaan Mubaarak.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen sarkaal uu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Macalin Cabdullaahi.

Maalin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in howl-galladaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this