Deeq A. Posted July 11, 2020 Maxkamadeynta shan qof oo Soomaali ah oo loogu shakinsan yahay Burcadbadeednimo ayaa 30 Augost ka bilaaban doonto Maxkamadda sare ee Seychelles. Muwaadiniinta waxaa seychelles ku wareejiyay howgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeeda bishii April, 2019-kii sida ay warisay wakaalada wararka ee Seychelles. Eedeysanayaasha ayaa soo muuqday ka hor inta aan Garsoore Gustave Dodin oo Maxkamadda sare ka tirsan ku wargelin in maxkamadeyntooda ay socon doonto muddo afar asbuuc ah. Sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibadda ee howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeedka EU NAVFOR ayaa waxaa ay shanta tuhmane ku wareejiyeen Seychelles, kadib Markii ay ka jawaabeen weeraradii Burcadbadeeda ee dhacay 21-kii April ee 2019-kii. 23-kii April, markabka ciidan ee Esps Navarra oo qayb ka ah howlgalka ayaa ku guuleystay in dib u soo qabtaan markab ay burcada qabsadeen iyo shanta ruux ee lagu tuhmayo in howlgalkii doontaas lagu qafaalanayey ay qayb ka ahaayeen. Ciidamada la dagaalanka Burcad-badeeda waxaa ay sheegeen in dhacdadani ay tahay tii ugu horreysay ee burcadbadeednimo tan iyo October 2018-kii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites