Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe 80-jir ah oo maanta u fariistay imtixaanka qaran ee fasalka 8-aad + sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Aabe Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ah 80-jir ayaa maanta ka mid noqday ardayda u fariisatay imtixaanka qaran, gaar ahaan ahaan fasalka 8-aad, isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Aabe Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in heerkan uu soo gaaro, islamarkaana uu u fariisto imtixaanka ay qaadeyso dowladda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in waxbarashada lagu dadaalo oo aan da’da lagu xirin.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada maamulka Galmudug, Mursal Cabdi Aadan oo imtixaanka ka daah-furay Gaalkacyo ayaa sidoo kale guud ahaan ardayda iyo Aabe Cabdiraxmaan u rajeeyay guul, isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda inay sii wadaan.

Magaalooyinka loo fariistay imtixaankan waxaa ka mid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar, halka ay ka maqan tahay Garoowe oo kaliya.

Waa markii ugu horreysay ee ay dowladda federaalka Soomaaliya qaadeyso imtixaanka shahaadiga dugsiga dhexe, iyada oo ay sanadkaan u fariisteen arday badan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

88c68c71-fa5e-49db-93a5-38c797a91006-1.jdaefc097-c99f-4ea7-86d6-45d0032fab8a.jpg 9eef11d8-0c8b-4fe5-8b5e-76bd7c1a5375.jpg 88a86814-78b0-46d7-bf11-89f22c16839a.jpg affa9128-6492-47c3-979e-fb16b55f3bf4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this