Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalaka ah oo Imtixaan Qaadeysa Xilliga Covid 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaadeysa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsi dhexe.

Imtixaamkan oo la mid ah kii fasalka 12-aad ayaa la sheegayaa in uu dhacayo xilli dalka uu ka jiro Covid 19 oo iskuullada iyo jaamacadaha ay xiran yihiin.

Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in la xiray inta badan jidadka Muqdisho gaar ahaan goobaha ay imtixaannada ka jiraan, waxaana la adkeeyey amniga.

Wasiirka Waxbarashada  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu waramayaa inuu adkeeyey in la dhowro shuruucda cusub ee ka dhalatay Covid-19.

Soomaaliya ayaa waxaa ay doorasho aadi-doontaa dhowr bil kadib, cabsiyada jirta waxaa ka mid ahaa Covid 19 inuu keeno dib u dhigis, laakin waxaa muuqata in dowladda ay bilwoday in lagu dhex shaqeeyo Covid 19.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this